Gaalkacyo waxay u baahan tahay derbigii Barliin..

image

Bar AMA Baro – Gobolka Mudug waxaa uu markii hore ahaa Mudug iyo Galgaduud ,waxaa la kala gooyey Sannadkii 1974-tii,ka dib markii la ogaadey Baaxada Gobolka hase yeeshee Gobolkaa dadka ku nool Gobolada kale ee Soomaaliya waxay ku tilmaameen in uu yahay Gobol uu ka soo burqado Fidnada Somaaliyeed iyadoo dadka qaar ay leeyihiin hadii dadka reer Mudug heshiiyaan in Soomaaliya arrinteeda meel u dhaceyso.

Bal aan dib u qooraansano Sheekooyinka laga sheego Dadka ku nool Gobolka Mudug ama Gaalkacyo waxaa ka mid ah “Labaatan jir Mudug jooga Ilaah Ceebtiisa ma asturin” , Hadii aad Gaakacyo Joogto waxay dadka yiraahdaan “ Il ku Hurud, Ilna ku soo jeed” Calashaan Dareenka Colaadeed ee ka jira Gaalkacayo, waxaa la sheegaa markaad dooneyso ina ad Maqaayada Fariisato ma arkeysid dad Laba laba ama Sadex Sedex u fadhiya, Nin walba Kursigiigsa ayuu la raadsadaa meel Darbi ah si aan Gadaashiisa looga imaan oo aan loo gaadin.

Ma yara Sheekooyinka laga bixiyey Magaalada Gaalkacayo waxaa Magaalada la ii sheegey in waagii hore uu Magaalada ka furnaan jirey Dukaan lagu magacaabo “FACAA ISKA DHICI” Waxaa Dukaankaas lagu iibiyaa Tooreeyada, Mindiyaha, Sakiimaha , Baangadaha iyo Warmaha, waxaa kaloo ka mid ahaa Sheekooyinka laga soo wariyey Magaalada Gaalkacyo, Xiligii Gumeystahii Talyaaniga ayaa waxaa ku batey Dacwada labada reer oo degen Magaalada Gaalakacyo markaasuu yiri “ Qalaf Jalaf iyo Waxaan afku karin”, sidoo kale nin Carab ayaa tegey Magaalada Gaalkacyo waxaa isna ku badatey Dacwada reer Hebel ayaa Geelii dhacay markaasuu yiri “Kulli Fidna Cindi Geel” isagoo sheegey hadii aan geel jirin in Xaaladda Gaalkacyo wax badan ay hagaagi lahayd oo dadka Nabad ku noolaan lahaayeen ,

Nin Odey ah ayaa maalmahii ay kacasaneyd Xaaladda Gaalkacayo wax iga weydiiyey markaas baan iri” Adeer maanta Gaalkacayo waa nabad “ inta isoo fiiriyey ayuu yiri “ Waa Nabad aaa, umaleyn maayo in Gaalkacayo Nabad Noqoneyso “Markaas baan ku iri “ Adeer maxaad Nabad ugu diidan tahay “ isagoo careysan buu yiri “ Adeer Dad isku tixgelin waayey Islaanimo, Soomaalinimo, Dersnimo, Xigto iyo Xigaalo iyo Abtinimo, marka aniga waxaan qabaa in dadkaas la dhex dhigo Darbigii Baarliin”

Inta naxay ayaan iri “ Adeer taasi kuguma raacsani waayo ma aha Magaalo la kala go’yn kara,Colaada Jirtana waa iska dhamaan doontaa Derbi la dhex dhigo Magaalada waxba soo kordhin maayo ” inta si xun ii eegey buu yiri “ Aniga Xal kale ma hayo oo aan ka ahayn in Darbi la kala dhex dhigo waayo aniga oo yar baan maqli jirey Colaada Gaalkacayo”

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu tiriyaa Magaalo uu Gumeystihii reer Yurub ay ku adkeyd in uu siduu doono ugu dhaqdhaqaaqo, taasina waxay keentey in maalin Cad uu ka cararo Gumeysigii ayna qaadato magaca GAALKACYO, marka waxaa ayaandaro ah in Magaaladaas diidey in Gumeysigii Yurub uu saldhigto in maanta ay ku soo laab laabtaan dagaalo aan lagu gaareyn wax natiijo ah hana la yaabin Hadalka ninka odeyga ee yiri “ Magaalada waxay u baahan tahay Derbigii Baarliin” waayo waxaa ku soo laab laabtey Colaada Gaalkacayo oo xal u arkey in Debigaas

Bar AMA Lagu Baro

Posted on December 8, 2015, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment